Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha DGKGS Mudane Isaaq Cali Subag ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arimaha Gudaha,Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala Duwan,Gudiga Amniga Baarlamanka,Maamulka Gobolka kan Degmada Baydhabo iyo Saraakiil ka socday Saaxibada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Qaar kamid ah saraakiisha Laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ku jiraan Howlgalo lagu sugayo Amniga degaanada Koonfur Galbeed lagagana hortago falalka ay Al-Shabaab ka geestaan Gobolada Koonfur Galbeed gaar ahaan Xarunta ku meel gaarka uah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa lagu goaamiyey in la bilaabo Howlgalo ka dhan ah Argigixisada Alshabaab oo lagaga si feynayo Goobaha ay kaga dhuumaalaystaan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha DGKGS Mudane Isaaq Cali Subag ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga uga mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Xaqiijinta Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed Waxaana dhanka kale uu dhiirri-geliyey saaxibada Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo horumarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here