Khilaaf ka taagan guddiga doorashooyinka Soomaaliland

Xukuumada Soomaaliland iyo xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ku muransan qaabka loo dhisayo guddiga doorashooyinka oo waayadii u dambeysay uu khilaaf ka taagnaa, sida ay sheegayaan masuliyiinta xisbiyadda iyo xubo xukuumadda ka tirsan.

Arintan ayaa waxaa si gooni gooni ah uga hadlayMuuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashi Maxamed Faarax

Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inay jirto warqad uu qoray Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliland, balse waxaa uu u xusay in kala shaandheynta Guddiiga doorashada ay awood u leeyihiin Golaha Wakiilada Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed faarax oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cidda kaliya ee sharci ahaan awood u leh inay kala shaandhayso xubnaha gudidda doorashooyinka ee cusub ay tahay Golaha Wakiilada.

Sidoo Guddoomiyaha golaha wakiilada Soomaaliland ayaa xusay in ay xaq uu u leeyihiin in Muuse Biixi uu u soo gudbiyo golaha Wakiilada si ay uga doodaan,kadibna cod ugu qaadaan, waa sida uu hadalka u dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here