Al-shabaab iyo Daraawiishta Jubbaland oo ku dagaalamay Jubada Hoose

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay weerareen tuulooyin hoostaga deegaanka Cabdalla Biroole oo 55km dhinaca bari uga beegan Magaaladda Kismaayo.

War uu baahiyay TV-ga ku hadla afka maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in ciidanka Dowladdu ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab. Ku dhawaad 20 dagaalame oo Al-shabaab ka tirsan ayey ciidanku ku dileen deegaano u dhow Cabdalla Biroole.

TV-ga oo soo xiganaya Abaanduulaha Guutada 1 aad ee Ciidanka Daraawiishta maamula Jubaland  Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab laga dilay hogaamiyeyaashii deegandda galbeed ee Kismaayo iyo miinooyinka.

Magaca hogaamiyeyaasha yaa lagu sheegay Tasmiir iyo Cadaani. Ragaan ayaa sidoo kale lasheegay in ay muddo ku raadjoogeen Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubaland.

Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa shegay in Ciidanku ay ku suganyihiin deegnaddii ay saaka kula dagaalameen Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here