Al-shabaab oo la wareegay Tuulo u dhow Xuduudda Kenya

Dagaalamaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidanka maamulka Jubbaland ay ku leyihiin duleedka magaaladda Dhoobley ee gobolka Gedo una dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka oo muddo qaatay ayey Al-shabaab kula wareegeen deegaanka Bed-Alamo kadib markii ay ka wood roonaadeen ciidanka maamulka Jubbaland.

Laga sheegin khasaare dagaalka ka dhashay, maja jirto cid ka tirsan maamulka jubbaland oo ka hadashay dagaalka ka dhacay duleedka Dhoobley.

Al-shabaab ayaa dhankooda war ku qoreen warbaahinta waxay ku sheegeen in ay ku guuleysteen in ay deegaanka la wareegaan islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here