Al-shabaab oo xanibay khudaartii la keeni jiray Muqdisho

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay xanibeen gadiid khudaar usooo waday magaaladda Muqdisho islamarkaan ay xireen rakaabkii iyo darawaladiid gaadiidka.

Inta u dhaxaysa deegaanadda Ceel-Wareegoow iyo lambar 60 ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ku hakiyeen ku dhawad 30 gadiidka khudaarta kasoo qada Gaobolka Shabeeladda Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Al-shabaab gaadiidka ku amreen in ay isticmaalaan wadada u dhaxaysa Ceel-Wareegoow iyo lambar 60 islamarkaana u diideen in ay isticmaalaan wadooyin kale ee gobolka Shabeeladda Hoose.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay Al-shabaab doonayaan in an khudaartu gaarin magaaladda Muqdisho iyo deegaano kale oo Shabeeladda Hoose ka tirsan kuwaas oo ay joogaan Ciidanka Dowladda.

Talaadadii iyo arbacadii ayaa sheegay in ay Al-shabaab wateen darawallo iyo rakaab la socday gaadiid maray wado laga mamnuucay ee Shabeeladda Hoose islamarkaana waxay gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii kuwo kale waxay ka fariisiyeen lugaha.

Majiro war arrintaan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose iyo Al-shabaab. Balse, waa markii ugu horreeysay ee ay Al-shabaab hor istaagaan khudaara la keeno Muqdisho.

Talaabada Al-shabaab ayaa waxaa loo sababeynayaa kadib markii ay Ciidanka military-ga Soomaaliya dhawaaan ka qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeeladda hoose oo ay ka mid yihiin Awdheegle iyo Toora-Toorow.

Waxaa laga baqayaa in arrintaani ay saameyn ku yeelato nolosha dadka magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here