ANGALADA WARKA – AHMIYADA DIIRRADDA

The three-dimensional word "news"

Talaabada koowaad ee saxafi kastaa waa inuu caddeeyo mawduuca sheekada iyo meesha uugu muhiimsan ee ay shaakadaasi ka hadlayso ama angle-ka uu doonayo in uu ka galo sheekada. Docda ama angalku wuxuu u taagan yahay ”wiish” maxaa yeelay wuxuu soo jiitaa dareenka dhageystayaasha.)

Angalku ama docdu waxay ka kooban tahay ama urursantahay mawduuca (Kaasi oo ka kooban xaalado guud.)

Si loo soo saaro sheeko wareed, suxufiyiintu  waxay u baahanyihiin inay helaan angal cayiman. Sheekada wareed ee adag “Hard-News”  waxa uu sida  badan ku jiraa ama ku dhan yahay laynka ugu horeeya sheekada waa ciwaanka (Lea-ka)

Sheekada ama angalka?

Mawduucu naf ahaantiisa ma noqdo sheeko wareed. Suxufigu waa inuu helaa angalka ka dhigaya sheeko. Tusaale waa kuwan mawduucyo (laakiin ma’aha naf ahaantooda sheekooyin.

  • Saboolnimad                                        
  • Caafimaadka                                            
  • Waxbarashada
  • Shaqo la,aanta ama shaqo yarida
  • Qulqulato ama shaqaaqada Danbiyada
  • Xuquuqda haweenka
  • Gudniinka fircooniga ah        
  • Waxbarashada hablaha
  • Kufsiga
  • Xuquuqda caruurta
  • Xaalada caaruurta darbi jiifka ah
  • Ganacsiga Caalaamiga ah
  • Musuqmaasuqa
  • Suugaanta iyo kuwa kale oo fara badan.

 Xulashada Angaladda

Dhacdo wareedyada ama xaaladaha wararku waxay leeyihiin doco ama angalo midho dhal ah, waxayna ku xidhan tahay angle-ka uu wariyuhu ka xusho ama ka galo:

  • Docdee ama angalkee ugu cusub? (Tusaale ahaan angalku wuxuu noqonayaa dhacdo imika dhacday ama waxay noqonaysaa war cusub oo daba socdo dhacdo hore loo wariyey)
  • Docdee ama angalkee  ugu xiiso badan xidhiidhna ula leeyahay(waxay ku xidhan tahay waa kuma dhageystahaagu?
  • Angalkee baa dadka intiisa badan saameeynaya?
  • Sheekada ma inbadan baa laga warramay? Haddii jawaabtu “haa” tahay , ku soo dar wax cusub oo xiiso leh si ay sheekadu u noqoto mid cusub oo la xiiseeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here