Banaanbaxyo ka bilaawday magaalooyin ay ka mid tahay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa hadda ka socda banaanbaxyo xoog leh oo looga soo hor jeedo gefkii madaxweynaha dalka Faransiiska Macron uu u geystay Nebigeena Muxamed NNKH iyo diinta suuban ee Islaamka.

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gefka uu madaxweyne Macron ku kacay Arbacadii la soo dhaafay.

Sidoo kale magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Cadaado iyo Muqdisho ayey sidaan oo kale banaanbaxyadu uga socdaan maanta, waxaana la arkayaa dad weyne aad u badan oo jidadka isugu soo baxay.

Banaanbaxyada ayaa ah kuwo nabadeed oo dadku ma sameynayaan wax rabshado ama gacan ka hadal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here