Beeraleyda Sh/Dhexe oo codsanaya in laga gargaaro Ayaxa ku habsaday

Iyadoo indhawaalaba uu ayaxu faro ba’an ku hayay deegaannadda woqooyi iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya ayaa hadda wuxuu u gudabay dhul beereedyada ku teedsan webiga Shabeelle, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Beeralayda tuulooyinka hoos taga degmada Balcad ayaa sheegaya in Ayax aad u farobadan uu ku habsaday dhul beereed aad u ballaaaran oo Ayaxa kahor ka soo kabanayay fatahaado is xigxigay oo baabi’iyay dalagyadii la beeray sanadkan.

Cali Barsanje Huud oo kamid ah beeralayda tuulada mukey dheere ayaa noo sheegay in xaaladda ayaxan cusub iyo fatahaaddii ka horeysayba ay deegaanka ku keentay cunno yari horseedi karta dhibaato xoog leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here