Booliis iyo AMISOM ku dagaalamay Degmadda Jalalaqsi

Wararka ka imaanaya Degmadda Jalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaalameen Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan Howlgalka AMISOM.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Ciidanka Jabuuti iyo Boolkiiska, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugan magaaladda Jalalaqsi. Ciidanka ayaa ku murmay fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Jabuuri oo ay Booliisku doonayeen in ay degaan.

Sida ay xaqiijinayaan dadka magaaladda waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka oo muddo daqiiqado ah socday. masuuliyiinta degmadda Jalalaqsi iyo odoyaasha dhaqnka ayaa kala dhex-galay Ciidanka.

Waxaa socda dhex-dhexaadin la donayo in xiisadda lagu qaboojiyo. ma jiro war kasoo baxay maamulka oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay Jalalaqsi.

Maamulka Hirshabeele ayaa dhawaan Ciidan Booliis ah oo lagu tababaray Jowhar geeyay magaaladda Jalalaqsi si ay uga qyb qaataan sugitaanka amniga magaaladda. Horay waxaa magaaladda u joogay Ciidanka Military-ga Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here