Booliiska Kenya oo baadi goobaya ninkii ka dambeeyay weerar ciidamo looga laayay

Booliiska Kenya ayaa bilaabay baaritaan ay ku raadinayaan sarkaal ka tirsan Al-Shabaa b oo la ogaaday in uu ka dambeeyay weerarkii ay ku dhinteen 11 askari oo Booliiska Kenya ka tirsan.

Weerarka oo todobaadkii hore ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay oo haleeshay gaari ay wateen Booliiska sida gaarka ah u tababaran.

Booliiska ayaa ninka ay raadinayaan magaciisa ku sheegay Cabsullahi Banaati waxuuna hogaamiyahaa kooxdii aastay miinadii askarta ku dishay Xaar-Xaar 12-kii bishaan.

“Baaritaanaddu waxay muujinayaan in Banaati uu yahay Taliyaha maleeshiyaad  ka howlgala Xuduudda iyo maskaxda ka dambeysay weeradda ka dhanka ah ciidamadda amanka iyo shacabka” ayaa lagu yiri uu booliisku soo saaray oo ay baahisay Xinhua.

Booliisku waxay sheegeen in ay tuhunsanyihiin Banaati iyo kooxdiisa in ay gudaha Soomaaliya soo galeen. Balse weli waxaa socda baaritaan xaqiiqadda lagu ogaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here