Caro hor leh oo ka dhalatay Weriye la xiray xilli uu toos u tebinaayey dibadbaxyada Minneapolis

Weriyaha CNN oo Minneapolis ugu soo warramayey oo la xiray xilli ay mudaharaadyo looga soo horjeeda dilka loo geystay ninka madowga ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira. Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo.

Balse waxyar kaddib ayaa la sii daayey wariyaha iyo raggi lalal xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa raalli gelin ka bixiyey xarigga wariyaha lagula kacay, isaga oo dhacdada ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin”,

CNN waxay sheegtay xariigga loo geystay shaqaalaheeda inuu dastuurka dalka Mareykanka uu ka hor imanayo.

Mr Jimnez wuxuu Miinneapolis uu ku sugnaa seddex habeen si uu u soo tabiyo mudaharaadyada rabshadaha wata ee halkaasi ka dhacaya.

Talaadadi muuqaal si weyn loo baahiyey ayaa muujinayey askari boolis ah oo qoorta jilibka ka saaray nin madow ah oo aan hubeysneyn oo lagu macaabo Floyd isaga oo leh ‘waan neefsan la’ahay sidaana uu ku dhintay’.

Mr Jimenz wuxuu si toos ah u tabinayey xarigga ay booliska ka wadaan agagaaraha saldhigga booliska ee ay mudaharaadayaasha dabka qabadsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here