Ciidanka Dowladda oo dagaal ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

SOMSOON;-Dagaal u dhexeeya Ciidanka military-ga Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya-iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka magaaladda Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmadda Buulo Burte ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay weereen deegaano ay Al-shabaab joogeen si ay u furan wadooyinka gala degmadda Buulo Burte.

Gudoomiye Cabdi Casiis ayaa hadalkiisa ku daray in Al-Shabaab in Ciidanku ay soo qabteen Sarkaal dhaawac ah kaasi oo hadda ay Ciidanku gacanta ku hayaan islamarkaaana la daaweynayo.

Ma jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan sheegashadda masuuliyiinta Buulo Burte, balse maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jabuuti ayaa Gobolka Hiiraan ka waday howlgallo ay doonayaan in ay Al-shabaab dhul uga qabsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here