Ciidanka Kumandooska danab oo bur-buriyey fariisimo ay alshabaab ku lahayeen Gobolka Shabeelaha Hoose


Ururka 4 aad ee guutada 16aad ee Ciidanka Kumandooska danab ayaa ka hawlgal ka sameeyey deegaanada Maracade,Galka Salim ee gobalka shabeelaha hoose. howlgalkan ayaa intii uu socday waxay Ciidanka kumandooska danab ku burburiyeen Fariisomo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku Qaadi jireen lacagta ay ka qaadan bulshada ku dhaqan degaanadan.


Siday ay sheegeen saraakiisha hawlgalka hogaaminaysay dagaalamayasha alshabaab ayaa lacagtan ku maalgaliya falal dambiyeedayada ay u gaystaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Ciidanka Kumandooska danab oo si Gaara u tobobaran isla markaana ka duulaya ka hortagida tacadiyada ay alshabaab ku dhibateeyaan dadka shacabka ah ayaa wada hawlgalo lagu baacsanayo alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here