Daawo: Maamulka gobolka oo kala diray guddigii iskaashada gaadiidleyda G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta wareegto ku kala diray guddiga iskaashatooyinka gobolka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay wareegtada.

Maamulka gobolka ayaa dhamaan lamaha kala duwan ee ammaanka ku wargeliyay kala dirista xubnahan lagu eedeeyay inay gacan saar la yeedheen Al-Shabaab.

Isla wareegtadan waxaa lagu sheegay in dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir soo magacaabi doono guddi cusub oo iskaashatooyinka gobolka Banaadir ah, kaas oo hey’adaha ammaanka ay si joogto ah baaritaan u marsii doonaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa akhriyey wareegtadan, waxaana ku xusan lix qodob oo digniin loogu diray dadka daageera Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here