Dad ku dhintay shil ka dhacay Sucuudiga

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigii ay saarnaayeen oo bas ahaa uu ku dhacay gaari kale oo xamuul ah, sida ay xaqiijiyeen Booliiska gobolka Madina ee Dalka Sucuudiga.

“Bas gaar loo leeyahay oo siday dad xujay ah oo ka yimid wadamada Asia iyo dalalka Carabta ayaa ku dhacay gaari weyn iyagoo marayay magaaladda al-Akhal” ayuu Afayeenka Booliisku u shegay Wakaaladda Wararka Sucuudiga u faafisa ee SPA.

 Wakaaladdu waxay sheegtay in uu shilku ka dhacay wada xiriirisa magaalooyinka Maka iyo Madiina ee boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay Cusbitaalka Al-Xamna, sida ay shegeen masuuliyiin baaris ku sameeyay shilka ay dadku ku dhinteen .

Shilkaan waxaa kusoo aadayaa iyadoo bishii April 2018kii ay shil ku dhinteen Afar qof oo u dhashay Britain 12 kale ay ku dhaawacmeen.

Xawaaraha gaadiidka ayaa loo sababeeyaa shilalka khasaaraha badan ka dhasho ee Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here