Dadka ku dhintay dibad baxyadda Ciraaq oo kordhay

Tiradda geerida ee ka dhalatay dibadbaxyadda Dowladda looga soo horjeedo ee Afartii maalmood ee lasoo dhafay Ciraaq gil-gilay ayaa gaartay 60 qof, sida ay xaqiijeen ilaha Caafimaadka iyo kuwa amaanka.

Tiradda ayaa in ka badan laba jibaar korortay 24-ki saac ee lasoo dhaafay markii ay kordheen isku dhacyada u dhexeeya booliiska iyo dadka dibadbaxaya.

Military-ga ayaa sheegay in shiishyahano aan la aqoonsan ay Afar qof ku toogteen malaada Bagdaad, laba ka mid ah dadka dhintay waa askar booliiska ka tirsan.

Ra’iisul Wasaare Adel Abdel Mahdi ayaa dhawaan sheegay in dadka dibadbaxaya ee sharciga wax ku dalbanaya la maqlay balse waxaa uu codsaday in dadku is dejiyaan.

Mudaharaadyadda oo soo billowday Talaadadii lasoo dhaafay ayaa ka dhashay shaqala’aanta dhalinyaradda oo korortay, adeegga bulshadda oo liita iyo musuq-maasuq daran oo Ciraaq la degay.

Waxaa loo arkaa in dibadbaxyaddu yihiin caqabad weyn oo soo wajahday Ra’iisul Wasaare Mahdi oo xukuumadiisa jilicsan aysan weli gaarin sanad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here