Dagaal culus oo ka qarxay magaalo ku taala Mexico.

Dagaal adag ayaa ka qarxay magaalo ku taala waqooyiga dalka Mexico kadib markii Ciidamadda amaanka iyo koox hubeeysan oo ka tirsan kuwa daroogadda ka ganacsada ay isku dhaceen.

Dagaalku waxaa uu billowday markii la helay ninka hogaamiyaha kooxda awooda badan ee Sinaloa, sida ay werisay BBC-da.

Ovidio Guzmán López ayaa la helay intii uu socday gaaf-wareeg joogto ah oo ay ciidanku ka sameeyaan magaalada Culiacan.

Waa wiil uu dhalay daroogo-qaadka caanka ah ee Joaquin “El Chapo” Guzmán, kaasi oo hadda xabsi 30 sano ahaa loogu daray xabsi da’in gudaha dalka Maraykanka.

Guzman oo 62 jir ah ayaa waxaa dambi ku helay maxkamad ku taala magaaladda New York, dambiyadda lagu helay waxaa ka mid ah in uu daroogo kala gudbiyay iyo in uu lacag isdaba mariyay.

Xabsi ku yaala dalka Mexico ayuu ka baxsaday 2015-kii, laakiin mar dambe ayaa xiray waxaana Maraykanka loo gacan geliyay sanadkii 2017-kii.

Dowladda Mexico ayaa sheegtay in Ovidio Guzmán oo hogaamiya koox burcad daroogo ah laga helay guri ay ciidamadu baareen iyagoo ku jira gaaf-wareegooda malin laha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here