DEG DEG: Ciidanka Xoogga Dalka Oo Jab Xooggan Ku Gaarsiiyey Alshabaab Dagaalkii Maanta ka dhacay Deegaanka Ceelbacad ee Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada  80-aad gurmadka ,Ururka 52-aad ,Ururka 41-aad G.5-aad Qeybta  27-aad oo si wada jir ah isku kaashanayaa ayaa saakay ku jarmaaday Deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burde oo dagaalamayaasha  alshabaab fadhiisimo ku lahayeen.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga Dalka oo adeegsanaya Xeeldaha Dagaalka ee Ciidan ayaa Dagaal faraha looga gubtay la galay dagaalamayasha alshabaab waxaana CXD durba aay kala wareegeen Deegaanno dhowr ah sida Ceelbacad iyo kuwo kale.

sarakiisha hawlgalka hogaaminaysa ayaa sheegay Dagaalka intii uu socday  ay gacanta ku dhigeen Hub iyo Saanad Ciidan oo alshabaab  aay ka furteen waxaanay alshabaab goobta Dagaalka uga carareen maydad badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo  dhallinyaro aay soo qaldeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here