Deg Deg: Wafdi ka socda Dowladda Kenya oo Kismaayo u gaaray ka qeyb galka caleema saarka Axmed Madoobe

 Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha aqlabadiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambaysay ee caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga ka yimid dalka Kenya ayaa toos uga soo dagay magaalada Kismaayo, iyaga oo aan soo maray magaalada Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ay soo maraan diyaaradaha ka imaanaya dalka Kenya ee ku wajahan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hey’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii ay horay dowladdu u saartay diyaaradaha taga Kismaayo oo khasab ka dhigeysay in ay Muqdisho soo maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here