Deni oo sheegay inuu dhex dhexaadinayo dowladda iyo Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabulaahi Deni oo warbaahinta kula hadly magaalada Garoowe ayaa ka hadlay  khilaafka u dhexeeye dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland iyo xaalada amni ee magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn Saciid Deni ayaa ka hadlay amniga magaalada  kismaayo, waxaa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay tahay meel nabad ah,balse uu culeys ka heysto magaaladaasi badda, dhulka iyo cirka.

Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda dhexe  iyo Maamulka Jubbaland.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan  waxaa u  dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, lama oga sida lagu xalin doono khilaafkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here