DF Soomaaliya oo dalbatay in la kala diro guddiga ka warbixinta xeebaha Soomaaliya

Warbixin ay dowladda Soomaaliya ka jeedisay fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobey ayay ku dalbatay in la baabi’iyo ama gabi ahaanba meesha laga saaro guddiga xiriirka ka hor-tagga burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

Guddigaan ayaa in muddo ah ka shaqeynayay ka warbixinta amniga biyaha Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo burcad badeedda xeebaha Soomaaliya, maadaama maraakiibta ganacsiga ee biyaha Soomaaliya isticmaalaya dhowr jeer la af duubtay.

Sababaha ka dambeeya oo ay dowladda Soomaaliya ku dalbatay in la baabi’iyo guddigaan ayaa waxaa sharaxay safiirka Soomaaliya u qaabilsan  Qaramada Midoobay Abuukaar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo la hadlay BBC.

Waxa uu sheegay in kharash badan uu ku baxo guddigan hadii la kala dirana Soomaaliya ku filantahay ilaalinta xeebaheeda, isla markaana kharashka ku baxa guddigaas uu wax badan ka bedeli lahaa cududda ciidan ee badda Soomaaliya.

Abuukar Baalle ayaa geesta kale shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ku filantahay hadda wixii ka dambeeya amniga baddeeda, iyada oo xoojineysa ciidanka badda si ay uga hor tagaan kalluumeysiga sharci darrada ah ee biyaha Soomaaliya ay ka sameeyaan maraakiibta ajaanibta.

Guddiga xiriirka ka hortagga burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay ku baxeen lacago fara badan, kuwaas oo haddii Soomaaliya lagu wareejin lahaa ay wax badan ku qaban kartay, sida ay tilmaameen dadka odorasa arrimaha amniga badaha.

Sidoo kale guddigaan ayaa la sheegay in wax muuqda aysan ka qaban amniga biyaha Soomaaliya arintaannae ay keentay in ay dalbato dowladda Soomaaliya kala dirisdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here