Dhageyso: Goormaa ayey Al-shabaab gaari doontaa jawaabtii ay Dowladu shegtay in ay ka bixineyso xasuuqii Soobe

Weli ay muuqdaan daqaradii weerarkii musiibadda ahaa ee isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii October Sanadkii 2017kii.

Galab Casir ah, Gaari TM ah oo kasoo gudbay bar koontarool ay joogeen cidamadda amaanka ayaa mar qura zoobe ka dhigay dhisme holcaya, gadiid gubanaya iyo dad gamaaray.

Waxaa uu ahaa weerarkii ugu dhimashadda badnaa ee dalkasoo maray iyo kii ugu weynaa ee ay Al-shabaab farsameeyeen, balse ururku waa uu ka gaabsaday in uu masuuliyadda si cad u sheegto.

Magaalo walba oo soomaaliyeed marka laga rebo meelaha ay Al-shabaab heystaan ayey dadku guryaha kasoo baxeen waxayna muujiyeen in ay diryaar u yihiin in ay Al-shabaab la dagaalamaan.

Laba sano kadib, inkastoo la dhisay qaar ka mid ah dhismooyinkii hadana lama dhayin quluubtii.

Dadkii ka badbaaday musiibadda ayaa weli jooga iyaga oo tiiraanyo qaba.

Waa hubaal in qof walba oo mara isgoyska Soobe uu soo xasuusanayo xaddiga ay musiibadu la ekeyd iyo xasuuqii shacabka.

Agoonta, rajada iyo ehelka kale ee wayay kuwii ay jeclaayeen ayaa maanta la ilmeynaya sameynta ay ku reebtay musibaddu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here