Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo saaka ka socda duleedka Xudur

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la soo sheegaya in ay saaka howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka wadaan deegaano hoos taga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno gobolka Bakool howlgalladaan ayay ciidamadu bilaabeen kaddib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab soo gaareen deegaano hor leh oo hoos taga degmada Xudur ee xarunta gobolkaas oo sanado badan ay go’doon ku hayeen.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda, iyo kuwii Mukhtaar Roobow oo is kaashanaya iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here