Dibad baxayaasha Ecuador oo afduubtay saraakiil Booliis ah

Dadka dibad baxyadda dhigaya ee dalka Ecuador ayaa afduubtay sided askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska kadib markii dadka mudaharaadaya Dowladda ku qasbeen in ay caasimadda ka guurto.

Dadka asal ahaan u dhashay Ecuador ee dibad baxa hogaaminaya ayaa xir-xiray todobo nin iyo haweney ka tirsan Ciidanka Booliiska waxayna geeyeen meel ay joogaan kumanaan dibad baxayaasha ka tirsan.

Dadku waxay dalbanayaan in Dowladdu ay dhamayso talaabooyin horseeday in dhaqaluhu uu liico iyo in uu Madaxweynuhu is casilo.

Madaxweyne Lenín Moreno ayaa xaalad deg-deg ah ku dhawaaqay odobaadkii lasoo dhaafay waxaana uu u guuray magaaladda labaad ee dalka.

Dhowr qof ayaa ku dhintay rabshadaha wadanka.

Ma jirto talaabo ay Dowladdu qaaday oo ilaa iyo hadda ay wax uga qabaneeyso cabashadda shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here