Dilalka iyo boobka loo geysto Soomaalida Koofur Afrika oo kordhay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay sii kordheen dilalka iyo boonka loo geystay ganacsatada soomaaliyeed eek u nool dalka koofur Afrika.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay koox burcad ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacasade ah ku dileen deegaan ka fog magaalada Johannesburg.

Ganacsadahan la dilay oo lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi  Jicmaale ayeey wararku sheegayaaan in goob ganacsi uu lahaa ay ugu galeen Burcad South African ah oo dilay..

Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in maalin ka hor la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi Jimcaale,iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo  dilay Ganacsato Soomaaliyeed.

Dilalka ganacsatada Soomaalida oo u muuqda mid caadi ah ka ah dalkaasi Koonfur Africa ayaan jirin cid ka hadasha, marka laga soo tago mas’uuliyiinta dowladda oo marka ay booqdaan dalkaa ku soo hadal qaada oo kaliya munaasabadaha soo dhaweynta ah ee loo sameeyo. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here