Doon siday hub iyo ciidan oo ku degtay xeebta magaaladda Marka.

Wararka ka imaanaya magaaladda Marka ee gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaya  in ay xeebta magaaladda ku degtay doon siday askar ka tirsan Guutada 14-ka October iyo hub.

Goob-joogeyaal ayaa xaqiijiyay in la la’ayahay ugu yaraan laba askari iyo ku dhawaad 20 q0ri oo ay ku jiraan laba PKM.

Magaaladda marka ayaa saldhig u ah Guutada 14-ka October waxaana adkaatay in safar dhulka ah lagu tago kadib markii ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wada xeebta.

Sarakiil ka tirsan military-ga Soomaaliya iyo askar ayaa horay ugu dhintay qaraxyo miino oo ku qabsaday wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Ciidanka ay doontu la degtay ayaa safarka badda doo biday halista dhulka ka jirta awgeed.

Saraakiil ciidanka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in lasoo badbaadiyay Taliyiha Guutada 14ka October ee Marka jooga Cismaan Muuse iyo askar kale. Weli lama sheegin tirade guud ee ciidanku ahaayeen.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska military-ga Soomaaliya oo ku saabsan ciidanka doontu la degtay iyo tirada saxda ah ee khasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here