koobka Premier League Ee Xilli Ciyaareedka Cusub Oo La Saadaaliyey, Kooxda Ku Guuleysanaysa & AFARTA Champions League Imanaya

Isku-aadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa shalay gellinkii hore la sameeyey, waxaana kulamo adag ku bilaaban doono kooxaha Manchester United, Chelsea iyo sidoo kale Arsenal, halka naadiyo ay ku jirto Liverpool ay ciyaarahooda ugu soo horreeyaa ahaanayaan kuwo ay kala  badbaadayaan kooxaha waaweyn.

Kaddib isku-aadkii la shaaciyey, waxa durba soo baxday saadaasha xilli ciyaareedka cusub oo taabanaysa kooxda ay u badan tahay inay ku guuleysato horyaalka iyo kaalmaha labaad, saddexaad illaa afraad.

Dhamaan 20ka kooxood ee horyaalka qaybta ka ah xilli ciyaareedkan qaybta ka ah oo ay ku jiraan saddexda kasoo dallacay heerka labaad ee Brentford, Norwich City iyo Watford ayaa iyaguna saadaashan ku jira.

Shabakadda Skybet ayaa qiimayn iyo saadaal ku samaysay xilli ciyaareedka cusub, waxaana kaalinta koowaad soo gashay Manchester City oo loo saadaaliyey inay hanan doonto horyaalka ay xilli ciyaareedkii horena ku guuleysatay.

Chelsea ayaa kaalinta labaad soo geli doonta, waxaanay ka sarrayn doontaa Manchester United oo kaalintaas ku dhamaysatay xilli ciyaareedkii tegay, halka Red Devils ay saddexaad gelayso iyo Liverpool oo ku dhamaysan doonta kaalinta afraad.

Halkan kaga bogo saadaal & qiimayn tirooyin ku sallaysan:

Man City – 8/13

Chelsea – 5/1

Liverpool – 13/2

Manchester United – 8/1

Leicester – 33/1

Tottenham – 40/1

Arsenal – 80/1

Everton – 100/1

West Ham – 100/1

Aston Villa – 150/1

Leeds United – 150/1

Wolves – 200/1

Brighton – 250/1

Newcastle – 250/1

Southampton – 500/1

Crystal Palace – 750/1

Burnley – 1000/1

Norwich – 1500/1

Watford – 1500/1

Brentford – 1500/1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here