Dowladda Norway oo deyn cusub siineysa Soomaaliya

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siineeyso deyn waqtigeedu gaabanyahay oo gaareeysa in ka badan 3 billion oo ah lacagta Norway.

Sanadka 2020 ayey Dowladda Soomaaiya lacagtaas heli doontaa waxaana lasoo marsiiinaya Bangiga Aduubka sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

Deyntaan cusub waxaa loogu talo galay in ay Dowladda Soomaaliya ay ka caawiso dadaalkeeda deyn cafinta, sida ay sheegtay Dowladda Norway.

Marka ay Soomaaliya lacagtaan bixiso ayuu Bangiga aduunku u ogolaan doonaa deyn kale.

Deyntaan ka timid Norway waxay muhuum u noqondoontaa shaqadda lagu horumarinayo xasilinta iyo isbedelka Soomaaliya, ayey tiri WasiirkaArrimaha Dibaddaa Norway Ine Eriksen Søreide.

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ku leh deyn gaareeysa 4.7 billion oo doolar, waxaana socda dalaado ladoonayo in wadanka deynta looga cafiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here