Dowladda Soomaaliya oo markale diiday dalabka Kenya ee badda

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxadda Caalamiga ah ee Cadaaladda horteeda ku diiday dalab uga yimid Dowladda Kenya oo ku saabsan in dib loo dhigo dacwadda badda.

Dowladda Kenya ayaa maxkamadda u gudbisay codsi ah 12 bilood dib loo dhigo dacwadda badda. Maxkamadda ayaa kadibna u yeertay Dowladda Soomaaliya si ay uga falceliso dalabka Kenya.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay ka mid yihiin Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Europe Cali Siciid Fiqi iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahirayaa ka qayb galay kulan ka dhavay maxkamadda ICJ.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in ay kaxmadda u gudbiyeen diidmadooda oo qoraal iyo dood ah.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ugu dambeyn 4ta bisha November la dhageysto dacwadda badda.

Waa markii labaad ee Dowladda Kenya ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbiso codsigeeda ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here