Dowladda Turkiga oo xabsiga dhigtay 82-askari oo ka tirsan milaterigeeda

Xukuumadda dalka Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigtay 82 askari oo hor leh, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin wadaadka la yiraahdo Fatxullah Gulaan, sida ay werisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadol.

Asakartaan ayaa waxaa lagu tuhmayaa in ay siweyn ugu lug lahaayeen Afgembigii fashilamay ee dalkaasi ka dhacay bishii July ee sanadkii 2016-kii, waxaana dowladda Turkiga ay wali baadi goobeysaa qof walba oo dhacdadaasi ku lug ahaa.

Howgalkaani lagu soo qabtay askarta ayaa waxaa uu ka dhacay 39 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga, waxaa kaloo howgalkaas lagu soo xirxiray 63-qof oo kale oo shacab ah, sida ay tabisay Aanadol.

Dacwad oogaha gobolka ku yaalla xeebta galbeed ee Izmir ayaa wakaallada wararka Tarkiga u sheegay in ay qaadi donaan tilaaba kale oo ay ku sooxirayaan in ka badan 848 askri oo ay ku jiraan saraakiil militeri, kuwaas oo wali ay laamaha ammaanku ay ku raad joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here