Farmaajo oo xukuumadiisa ku bogaadiyey fulinta heshiiskii doorashada xilli uu jiro dib u dhac weyn

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bogaadiyey hanaanka ay xukuumaddiisu ku wajaheyso fulinta heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka, xilli heshiiskaas dib u dhac weyn uu ku yimid, isla markaana aad loo diidanyahay tallaabooyin aad u yar oo fulintiisa ay u qaaday xukuumadda dhexe.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Villa Somalia

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here