Gabar Soomaaliyeed oo xaflad dhalasho ah Gaalkacyo ugu dhigtay Jilaa Ajanebi ah

Miski Saciid Cabdi oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xaflad dhalasho ah u dhigtay jilaaga filimaanta Hindiga ah ee Shaarukhan.

Miski ayaa xafladaas dhigtay xalay, waxaana loogu dabaal degay dhalashada Shaarukhaan oo 55-sano jirsaday.

Miski Saciid oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ilaa yaraanteedii ay taageero weyn u aheyd jilaaga reer Hindiya ee Shaarukhan, waxayna sheegtay inay aad uga hesho filimaanta uu wax ka jilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here