Galmudug oo war ka soo saartay baaritaanka weerarkii lagu dilay saraakiisha

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Waayeel ayaa soo saaray warbixin hor dhac ah oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kadib markii lagu weeraray meel duleedka ka ah magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa kamid ahaa guddi uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, kaas oo loo xil saaray baaritaanka dhacdadii lagu laayey saraakiishaas.

Wasiiirka ayaa sheegay inay weli socdaan howlgallo lagu baacsanayo kooxdii fulisay weerarkii lagu laayey saraakiisha, sidoo kalena ay bilaabeen dejinta xiisadii ka dhalatay dilkii saraakiisha.

Weerarkaas ayaa 9-kii bishan December ka dhacay duleedka degmada Balambal, iyadoo rasaas la huwiyey gaadiid ay wateen saraakiishaas oo ka baxday xero military oo ku taalla deleedka degmada Gurceel.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegay inay bilaabeen dejinta ehellada saraakiisha la laayey iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen intaba, si looga baaqsado xiisad hor leh oo ka dhalata falkaas.

“Waxay ahaayeen Saraakiisha la dilay kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaana ku howlanahay sidii aan cadaalada u horkeeni la heyn dadkii ka dambeeyay dilkooda,” ayuu yiri Wasiirku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here