Gen. Xijaar oo gaaray Garowe kulana la qaatay madaxweyne Karaash + Sawirro

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa goor dhaw magaalada Garowe kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, waxaana looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan sugidda ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashada kuraasta baarlamaanka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Sidoo kale Taliyaha ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay inay doorashadu ka dhacdo.

Taliye Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii u dambeeyey gaaray magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo uu ka wado kormeerka xarumaha lagu qabanayo doorashada.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku marayey magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Galmudug, u jeedka socdaalkiisana waxa uu ahaa indha-indheyta goobaha ay ka dhaceyso doorashada kuraasta baarlamaanka 11-aad ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here