General Galaal oo ka hadlay dhismaha maamulka Galmudug

Genaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee milatry-ga Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho waxaa uu kaga hadlay Khilaafka xalka loo la’yahay ee ka taagan dhismaha maamulka Galmudug oo ay ku howlan tahay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Genaraal Galaal ayaa sidoo kale sheegay in caqabada ugu weyn ee waqtigan hortaagan dhismaha maamulka Galmudug ay tahay Ururka Ahlu-sunna.

Ugu dambeyn Genaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa soo jeediyey in dowlada ay dadka reer galmudug iyo guddiyada ay leeyihiin u madax-banaaneyso doorashada Galmudug.

Hadalka Genaraal ayaa imaanaya iyadoo khilaaf xoggan uu ka taagan yahay dhismaha Guddiga doorashada Galmudug,waxaase hore Ahlu-sunna iyo Musharaxiinta Madaxtinimada Galmudug ay u qaadaceyn Guddiga Farsamada ee bishan gudaheeda ay ku dhawaaqday Wasaarada Arrimaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here