Guddiga badbaadada doorashada garabka musharaxiinta oo doortay guddoon iyo ku xigeeno

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka oo ay dhowaan magacaabeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta shirkoodii ugu horreeyay Muqdisho ku yeeshay ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen, xoghaye iyo afhayeen.

Guddigan oo ka kooban 28-xubnood waxaana ku jira wasiiro hore, weriyeyaal hore, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo xubno tirsanaa xisbiyada siyaasadda dalka.

Yuusuf Xasan Mursal ayey xubnaha guddigaas u doorteen guddoomiye, halka guddoomiye ku-xigeena ay u doorteen Cabdullahi Maxamed Aadan.

Sidoo kale xoghayaha guddiga badbaada doorashada dalka ee garabka midowga musharaxiinta ayaa loo doortay Cabdifitaax Maxamed Dhicis, halka Afhayeenka guddigana loo doortay Cabdullahi Cabdi Maxamed

Afhayeenka iyo guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay musharaxiintu ku dhawaaqeen ayaa markii la doortay kadib warbaaninta la hadlay, waxayna balan qaadeen inay si hufan u guda doonaan howlaha hor-yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here