Guddiga Farsamadda Galmudug oo lasoo saaray

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xuuumadda Faderalka ah ee Soomaaliya ayaa dhistay guddiga farsamadda ee doorashadda maamulka Galmudug kuwaas oo laga soo xulay  beelaha degan deeganadda Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa TV-ga qaranka ka aqriyay magacaabista guddiga iyo shaqadda ay qaban doonaan.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 13 ayaa dhexdooda ka doorandoona Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa waxayna ku shaqaynayaan magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta  maamulka Galmudug, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaradda.

Talaabadaan ayaa waxay imaaneeysaa iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha la wareegtay shaqadda dhismaha Galmudug islamarkaana ay horay u qabatay shir dib u heshiisiin ahaa.

Guddiga cusub ayaa waxaa ay u xilsaaranyihiin fulinya hab-raaca doorashadda iyo soo xulista Odoyaasha dhaqanka iyo Golaha Wakiiladda iyagoo hubinaya shuruudaha loo dejiyay soo xulistooda.

Sidoo kale Guddiga Farsamadda Galmudug waxay ka shaqayn doonaan maareynta iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha odoyaasha dhexdooda iyo ansixinta liiska Xildhibaanadda.

Warka wasaaradda laguma sheegin waqti loo qabtay in guddigu ay shaqadooda kusoo dhameeyaan. Waxaase la sugaya jadwalka ay guddigu u sameeyaan shaqadda loo xilsaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here