Guddoonka Baarlamaanka oo la Kulmay Guddiga dastuurka

Guddoonka labadda gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay Guddiga dib u eegista dastuirka ee Baarlamaanka federaalka.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku xigeenadooda ayaa waxaa looga hadlay meesha ay marayso dib u eegista dastuurka iyo shaqadda ay guddigu qabteen.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan dastuurka ayaa guddoonka u gudbiyay warbixin ku saabsan meesha ay marsiinayaan dib u eegista iyo habraac loogu tala gaalay in dastuurka lagu ansixiyo.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka tirsan guddiga ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in sidoo kale kulankii maanta looga hadlay in labada gole ee Baarlamaanku yeeshaan fadhi wada jir ah.

Xildhibaanku ma uusan sheegin waxa looga hadli doono kulanka wada jirka ah.

Dowladda Madaxweyne Farmaayo ayaa laba sano u qabatay dhameystirka dastuurka balse weli taasi ma aysan suurta-gelin.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyadda ayaa sheegay in dib u eegista dastuirku aysan ku socon hanaan sax ah. Maamulka Puntland ayaa Dowladda dhexe ku eedeeyay in aan laga qayb gelin dib u eegista dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here