Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuto oo maanta tagaya Magaaladda Baydhabo.

Waxaa maanta  lagu wadaa in magalaada baydhabo  ay garaan wafdi  uu kamid yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo safar ku jooga magaaladda Muqdisho.

Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ah gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo xildhibaano ka tirsan labada gole.

Soo dhaweynta masuuliyiinta Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka socota magaaladda Baydhabo waxaana kasii horreeyay Madaxweyne Lafta Gareen oo shalay tagay magaaladda Baydhabo.

Ujeedka Safarkooda ayaa lagu sheegay in ay ka qayb gelayaan furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Koofur Galbeed. Waxaa la filayaa in ay khodbad ka jeediyaa n munaasadda ay magaaladda Baydhabo uga qayb gelidoonaan Talaadada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa magaaladda Muqdisho waxaa uu u yimid in uu ka qayb galo furitaanka Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo furmi doona Arbacadda tododobaadkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here