Halkee ayay marayaan dhex dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble?

Warar ay heshay Somsoon ayaa sheegaya in maanta markale lagu wado in la isu keeno madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.

Dadaaladan ayaa waxaa wada madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed, kadib markii ay ku guul dareysteen in kulamadii ugu dambeeyay ee shalay ilaa xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor qoor iyo senatoro ka tirsan aqalka sare ay haatan kulamo la leeyihiin R/wasaare Rooble.

Xiisad siyaasadeed oo culus ayaa weli ka taagan Soomaaliya kaddib markii uu khilaaf culus uu soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka, oo kala ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa hadda socda waanwaan lagu dhexdhexaadinayo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa billaabay dadaal xooggan oo ujeeddadiisu tahay in xal loo helo muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si dalka oo markii horeba nuglaa looga badbaadiyo xasarado hor leh.

Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Labada mas’uul ee ugu sarreeya dalka ayaa labo jeer isku dhacay, iyagoo si shaac baxsan isugu qabtay shaqo ka fariisin iyo shaqaaleysiin ay ka kala sameeyeen laamaha amniga gudahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here