Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi oo Faras ku dawaafay buurta dalkiisa ugu dheer.

Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa koray buurta wadankiisa ugu dheer isagoo saran Faras, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.

Sawirro ay baahisay KCNA ayaa muujiyay Kim oo saaran Faras cas islamarkaana sii koraya buurta Pektu ee barafku daboolay. Ma ahan markii ugu horreeysay ee uu koro buurta oo dhererkeedu yahay 2,750 mitir.

Buurta ayaa maqaam gaar ah u leh wadanka, waxaana la sheegayaa in ay tahay meeshiin uu ku dhashay hogaamiyihii hore Kim Jong il oo ah Kim-ka hadda talada haya aabihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here