Southampton vs Chelsea

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa booqanaysa maanta naadiga Southampton kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Blues ayaa doonaysa inay guulaheeda sii wadato marka ay garoonka St. Mary ku booqato Southampton.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 06 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 4:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Garoonka: St. Mary’s Stadium

Wararka Kooxaha:-

Goolhayaha labaad ee Southampton, Alex McCarthy ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto shaxda kaddib markii uu ka yimid dhaawac muruqa ah.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Moussa Djenepo iyo daafaca Cedric Soares ayaa kooxda Southampton dhaawacyo uga maqnaanaya kulankan.

Dhinaca kale daafacyada kooxda Chelsea ee Emerson iyo Antonio Rudiger ayaa weli sii maqnaan doona, halka Ruben Loftus-Cheek uu yahay xiddig kale oo muddo dheer ka sii maqnaanaya Blues.

N’Golo Kante, kaasoo dhaawac ka soo laabtay kulankii barbartamihii todobaadkii hore ay la ciyaareen Lille ayaa xaaladdiisa loo kormeeri si feejignaan ah, laakiin waxa uu sidoo kale diyaar u noqon karaa inuu ciyaaro maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here