Kooxda Barcelona oo caawa Camp Nou ku soo dhoweynayso Sevilla

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo dhoweynaysa naadiga  Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Barcelona ayaa doonaysa inay guul gaarto kulanka caawa si ay labo dhibcood ugu jirsato kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Real Madrid.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad, 06 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Antonio Miguel Mateu Lahoz (Spain)

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Barcelona ayaa weyn doonta adeegga Clement Lenglet kaasoo ganaax ku maqan kaddib markii uu qaatay labo kaar oo jaalle ah kulankii ay wajaheen Getafe.

Jordi Alba iyo Junior Firpo ayaa labaduba ka dhaawacan Barcelona, waxaana dambeedka bidix u ciyaari doona kooxda ku dheesha Camp Nou, Nelson Semedo.

Jean-Clair Todibo ayaa Gerard Pique kala ciyaari booska daafaca dhexe ee kooxda martida loo yahay, Samuel Umtiti ayaana weli dhaawac kaga maqan Barca.

Daniel Carrico ayaa weli ka dhaawac Sevilla, waxaana shaki weyn laga galinayaa inuu kulankan ka soo muuqan karo, halka Jules Kounde oo Diego Carlos kala dheeli doono daafaca dhexe.

Oliver Torres iyo Joan Jordan ayaa ku tartami doona booska khadka dhexe ee Sevilla, iyagoo ka garab ciyaari doona Fernando iyo Ever Banega.

Luuk de Jong ayaa la filayaa inuu sii joogteyn doono booskiisa afarka hore ee Weerarka kooxda Sevilla.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>Barcelona ayaa guuleysatay labadaba qeybta hore iyo ciyaarta oo dhammaystiran shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Sevilla tartammada oo dhan.

>Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Sevilla dhammaan tartammada.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here