Howl-gal laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaaliya & Ujeedku Muxu Ahaa?

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ilowaredyo lagu kalsoon yahay  in howl-galka si gaar ah looga sameeyey inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ciidamada inta uu socday baaritaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqa waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib.

Saraakiisha ammaanka weli war rasmi ah kama soo saarin howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran, isla-markaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in howl-galkan uu daba socdo mid habeen ka hor laga sameeyey degmada Warta Nabadda, kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaafado hoosta kaga yalla dhismaha Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here