Ilhaan Cumar oo ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkadda ninkeeda

Saacadihii u dambeeyey waxay warbaahinta reer Galbeedku aad  u hadal haysay sheeko ku saabsan gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka inay xiriirkii shaqo u jartay shirkadda la talinta dhinaca siyaasadda ee uu leeyahay seygeeda ay dhawaan guursatay.

Ilhaan Cumar ayaa dhawaan mar kale ku guuleysatay xubinnimada Golaha Congress-ka ee ay ku matasho gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minnesota.

Maalintii Axada ee todobaadkan ayey Ilhaan ku dhawaaqday go’aanka ay xiriirka dhaqaale ugu jartay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay seygeeda Tim Mynett, sida ay wargeysyo kala duwan qoreen.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo ka mid ah warbaahinta wax ka qoray sheekadan ayaa sheegtay in Ilhaan ay go’aankaas u sababeysay si ay taageerayaasheeda ugu caddeyso in aysan jirin arrin gaar ah oo kala dhaxeysa shirkaddaas.

Email ay Ilhaan Cumar u dirtay taageerayasheeda ayaa erayada ku qoran waxaa ka mid ahaa, “Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo in aysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in ololaha Ilhaan uu sidaas kusoo afjaray wadashaqeyntii uu la lahaa E Street Group, kaddib markii ay kala qeyb-sadeen lacag ku dhow $3 milyan oo dollar.

Ololaha Ilhaan ayaa ahaa macmiilka ugu weyn ee shirkadda Tim Mynett, wuxuuna soo tabiyay inuu sanadkan gidihiisa oo kaliya shirkaddan siiyay ilaa $1.1 milyan oo dollar, oo loogu sameeyay xayeysiimo iyo la talin dhinaca siyaasadda ah.

Warbaahinta qaar ayaa shaacisay in ilaa bishii July ee sanadkii 2019-kii uu ololaha Ilhaan shirkadda Tim siiyay lacag ku dhow $2.8 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilhaan Cumar ayaa bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay guursatay la taliyaheedii dhinaca siyaasadda, Tum Mynett, markaas oo ay shirkaddiisana isbahaysi la sameysatay.

Arrintaas ayaa durba dhalisay dood xoog leh iyo cabasho ay dad iyada kasoo horjeeda u gudbiyeen Guddiga Doorashada ee Federaalka. Waxay ku eedeeyeen in safarro shakhsi ahaaneed oo uu Mr Mynett galay lagu maareeyay dhaqaalaha loogu talagalay ololaha doorashada.

Hase ahaatee Guddiga Doorashada ee Federaalka wax tallaabo ah kama uusan qaadin.

Ilhaan ayaa dhankeeda sheegtay in lacagta uu isticmaalay Tim ay ahayd mid sharciga waafaqsan. Waxay intaas ku dartay in dhaqaalahaas ay isticmaaleen dad ka badan hal qof.

Barteeda Twitter-ka ayey xilligaas kusoo qortay: “Doolar kasta oo la isticmaalay wuxuu ku baxay koox ka bada 20 qof oo wadajir ah, kuwaasoo naga caawinaya dagaalka aan uga hortageyno weerarrada nagu socda iyo dadaalladeenna dhulka iyo kuwa online-ka ee aan kula dagaallameyno Covid-19.”

Tim Mynett oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1981, waxna ku bartay jaamacadda New York.

Bartiisa LinkedIn ayuu ku xusay in sanadihii 2001 iyo 2002 uu wax ku bartay jaamacadda Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu soo bartay culuunta siyaasadda oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2003, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa uu lasoo shaqeeyay hey’ad la yiraahdo Alliance for Justice kahor inta usan ku biirin shirkadda E Street Group.

Waxaa uu horay usoo maray guur, waxaana ay wada joogeen Beth Mynett oo ay dhawaan kala tageen.

Mynet waxaa uu ka tirsan yahay E Street group oo ah shirkad inta badan ka shaqeysa istaatijiyadda ololaha doorashooyinka, dejinta qorsheyaasha musharixiinta doorashooyinka iyo shaac bixinta.

Sida ku qoran barta uu ku leeyahay LinkedIn, Tim waxaa uu ku takhasusay sidii ay xubnaha Congress-ka, musharixiinta u tartamaya xilalka, hey’adaha samafalka iyo ururada siyaasadda ay u heli lahaayeen lacago tabarucaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here