In ka badan 10-qof oo lagu dilay weerar ka dhacay gudaha Itoobiya

Inta la xaqiijiyay 12-qof ayaa ku geeriyooday weerar ay koox hubeysan ku qaadeen deegaan ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya.

Weerarkaan oo ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ayaa lala eegtay dad reer miyi ah, sida uu sheegay afhayeen maamulka gobolka u hadlay oo la yiraahdo Melese Biyene.

Afhayeenkaan waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay in weerarkaan oo kii labaad ah oo degaankaan ka dhaca muddo todobaad ah uu salka ku hayo aano ka dhaxeysa qowmiyada ah Itoobiya.

Illaa iyo 18 ruux oo ku dhaawacmay weerarkaas ayaa loo qaaday magaalada caasimada ah ee Addis-Ababa.

Qawmiyadaha Amxaaradda iyo Agaha ayaa ku dagaalama gobolka uu weerarkaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here