Iran oo maanta daldashay Weriye Ruuxullah Zaam

Dowladda Iiraan ayaa  maanta xukun dal-dalaad ah ku fulisay Weriye ay ku  eedeysay inuu gudaha dalkaas ka waday kicin dad-weyne oo ka dhan ah hoggaanka dowladda, si gaar ah waxaa loogu eedeeyey Weriyaha inuu gacanta ku hayey ‘barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan oo loo isticmaalay mucaaradad adag oo bulsho kicin ah’.

Ruuxullah Zaam ayaa la daldalay saakay, kadib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka Iran ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas maanta ku warramay taleefishinka dowladda.

Ma cadda sida lagu xiray Zaam oo musaafuris ugu noolaa dalka Faransiiska. Balse waxaa la sheegay in la qabtay sanadkii hore isagoo safar ku jooga dalka Ciraaq.

Waxuu maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo ah bar caan ah oo ay wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda hoggaanka dowladda Iiraan.

Iiraan waxay Amadnews ku eedaysay inay kicinaysay dibadbaxyadii dalka oo dhan ka dhacay sanadihii 2017-kii illaa 18-kii.

Shabakaddaas oo ay raacaan in ka badan hal milyan oo qof oo ku xiran bartooda barnaamijka Telegram, waxay dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xogwaxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan. Waxaa bartaas xirtay dowladda Iiraan, balse mar kale ayaa dib loogu furay magac kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here