JANAN oo saddex bil kadib ka dhoofay Muqdisho iyo qorshaha safarkiisa

Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa markii ugu horreysay ka dhoofay Muqdisho saddex bilood kadib markii uu dowladda federaalka la galay heshiis uu isku dhiibay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Janan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriirka ujeedka safarkiisa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Dheere.

Cabdiraxmaan Dheere, oo ay aad isugu dhow yihiin taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda, kadibna lagu keenay Muqdisho.

Weli si rasmi ah looma oga ujeedka safarka Janan ee Addis-Ababa, waxaana kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan inuu arrimo baasabor u tagay, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu u tegay qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo, oo ay suurta-gal tahay inuu uga sii gudbo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here