Kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka KGS oo maanta ka furmaya Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay saakay waxaa lagu wadaa in uu ka furmo kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamo looga arinsanayay furitaanka kal-fadhiga baarlamaanka ayaa xalay ka dhacay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Kulamadaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka, guddoomiyaha baarlamaanka wadanka Jabuuti, madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale intii ay socdeen kulamadii xalay ka dhacay madaxtooyada maamulkaas ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay sidii is kaashi guud loogu samayn lahaa baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka, baarlamaanka federaalka iyo baarlamaanka dalka Jabuuti oo guddoomiyihiisa uu shalay soo gaaray Soomaaliya, isagoo ka soo degay garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaan isaga iyo Maxamed Mursal ay isla shalayba gaareen magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa waxii shalay galinkii hore ka dambeeyay aad loo adkeeyey,waxaana saakay lagu balansanyahay in guddoomiyaha  baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh iyo dhigiisa baarlamaanka  Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ay ka qeyb galaan furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee baarlamaanka maamulkaas.

Sidoo kale labada guddoomiye baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa la sheegay in isla maanta ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here