Khasaare dad shacab ah ka soo gaaray gaari lagu rasaaseeyay Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno wadada u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in askar jidkaasi ku sugan ay rasaas ku fureen gaari ay dad rayid ah saarnaayeen.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, markii ay askarta rasaasta ku fureen.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay laba qof oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaas, halka seddax kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta.

Dhowr jeer hore ayay sidaan oo kale dhacday in askarta dowladda ay dad shacab ah ku dilaan wadooyinka, si gaar ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa noqotay mid aan la isku haleyn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here